MAAHMAAHYO SOMALI AH PDF

In kastoo ay badan yahiin waxa laga yiri jaceylka ayaan hadana jecleystay in aan qormadan ku soo gudbiyo dhowr maahmaahood oo ku saabsan jaceylka. Mahmaahda ayaa ah hadal aad u gaaban balse xigmadeysan kana duwan gabayga iyo geeraarka, waxaana jira in inta badan soomaalida ay deegaan deegaan isku hadal gartaan, balse waxa aan isku dayi doonaa in aan ku soo qaato qormadan dhowr maahmaahood oo aan is leeyahay waa dhexdhexaad oo deegaan kuma koobna. Ha igu colaadin hadii aad aragto maah maah adiga kula qaldan maxayeelay aniga ma oran,ninkii yirina waa ibnu aadan adigoo kale ah oo magafe waa alle. Beer oo dhan tabcasho kuma wanagsana,dadka oo dhanna jaceyl.

Author:Gujar Daira
Country:Mauritius
Language:English (Spanish)
Genre:Video
Published (Last):3 March 2011
Pages:466
PDF File Size:11.8 Mb
ePub File Size:3.78 Mb
ISBN:379-8-11172-325-4
Downloads:8761
Price:Free* [*Free Regsitration Required]
Uploader:Nebar



Nin xoog lihi cay diid. Ninba ceesaantii ceel keen. Afoow yeelkaa, uuroowna allaa ku og. Nimaan guursani, gogol fiican ma seexdo. Magaalo waa madal,inta joogtaana waa markhaati. Naag haddaad rabtana ha iska dilin, haddii aadan rabinna ha isku dilin. Inan waliba saddex dhalkay hooyadeed ku raacdaa. Ragga wax ma taqaanid lama yidhaa ee isku si wax uma naqaan ayaa la yidhaahdaa.

Kitaabka meel aan lagu fasiri doonin, laguma furfuro. Guurkaaga awr dhaan ahna, waa lagu beegaa. Maag sokeeye maareeyaa loo diraa, maag shisheeyana macangag. Marti nin ka yar iyo muddo maalin ka yar, midna lama arag.

Xabaal waalid baa xoolo lagala baxaa. Nimaan dhul marini dhaayo male. Dadku waa xidid, xasabo iyo xundhuro isku yaal. Nasab iyo naaso geelbaa la nuugaa.

Nin waliba hashiisu inay nirig udhasho ayuu rabaa, awr uu rartana wuu rabaa. Guur iyo geediba sahan bay ku fiican yihiin. Haweenka iyo geelaba waa la hiddo raacaa. Madax madawbaa miyir ku dambeeyaa. Doqon alla bariday, xeradeeday ka aragtay. Dabo dabayl siidayn baa loo abuuray. Nin kaligii socdaa; waa tuug ama waa tollaawe.

Tol waa nin qumman quwayntii iyo nin qaldan qabashadii. Jaahil janno jidkeed kuma joogo, naxariis allena uma jeel qabo. Amxaaro madax gumuc galay leedahay ee madax hadal galo male. Shir naagood oo shan dhaafay, waa shar.

GREEK TRAGEDIES VOLUME 1 DAVID GRENE PDF

Akhriso Maahmaahyo Ku Saabsan Dumarka Iyo Weliba Oraahyadii Hore.

Nin xoog lihi cay diid. Ninba ceesaantii ceel keen. Afoow yeelkaa, uuroowna allaa ku og. Nimaan guursani, gogol fiican ma seexdo.

GRUNDFOS LIFTAWAY B PDF

Murti iyo maahmaahyo saddexley ah

Maahmaahda iyo Musiibada Soomaaliya. Qore: Caliqeyr M. Email: caliqeyr hotmail. Maahmaahdu waa hadal murtiyeed gaaban waxayna salka ku heysaa waayo-aragnimo hore oo waxay umadda fareysaa in laga-digtoonaado falal horay loogu soo gubtay tusaale ahaan maalin ayaan ku maahmaahay "Deerana horaadada ha qaban dummarna halla garramin" markaan sidaas oranayo waxaan daba-joogaa dhib aan arrintaas kala kulmay dadkana wax baan uga digayaa, dhanka kale musiibadu waa hoog ama halaag badanaa xaddigiisu weynyahay waxaana lagu sifeyn karaa burburki waddankeenna qabsaday haddaba maaddaama arrintaas in badan wax laga qoray ama wax laga yiri anigu waxaan isku dhererin doonaa hoga-tusaaleynta maahmaahyada iyo musiibada nagu habsatay. Dhulalka soomaaliyeed ee ku jira gacanta labada dal ee deriskeenna ah ayaa sabab u ah dagaallada daba-dheeraaday, haddaba wax-garadka laga sugayo maammulka waddanka waxaan kula talinayaa inay deriskooda u saxiixaan inay xad rasmi ah la wadaagaan, waayo muhiimaddu waxa weeye in xal loo helo tii hore ee burburtay keddibna walaalaha la gumeysto lagu taakulo inay dhulkooda soo dhacsadaan iyagoo awooddeenna ku tiirsan. Rag badan oo dhuuniqaatayaal iyo daneystayaal ahaa ayaa fitno ka taliyey taas oo sabab u noqotay in taliski mayalka adkaa uu caro kala kor dhaco qabiilladi ay ka dhasheen iyaguna waaba sidey rabeen oo marki qabiilkooda la xasuuqay ayey heleen sabab ay qabiilka ku beer-jilacsadaan dowladdana uga horkeenaan iyagoo wato dano u gaar ah, siday ahaataba mirihii faraqa ugu jiray ee ahaa midnimada qaranka soomaaliyeed wey iska daadiyeen isla markaasna ma gaarin kuwii geedka saarnaa ee ahaa qaran ay iyagu maamulaan. Beentu waxa weeye inuu qabiil dowlad noqon karo, runtuna waa in midnimadu ay muqaddas tahay, sidaas awgeed damiirka soomaalinimo ma aqbalayo in qabiil aanan baahidiisa dabooli karin iyo goballo wax soo-saarkoodu yaryahay gooni looga gooyo dalka intiisa kale, Figraddaasu ma qurxana musiibo ayeyna sababtay ama sababi doontaaye maxaa midnimada lagu diiday iyo runta ah inuusan qabiil dawlad noqon karin haddiise raqda sokeeye sii badato xaajadu maka soo reyneysaa mise waxay ku dambeyn doontaa in labadi wada dhalatayba ay kala maataan oo uu dakanaha iyo naceybku kala teedo, waxaan maqli jiray walaalo is neceb wey xoolo yaraadaan weyna xabaalo badiyaan, waa maahmaahyo cajiib ah isla markaana farta ku fiiqeysa marxaladda lagu jiro iyo tan soo socoto haddii uusan Ilaaheen noo gargaarin annaguna garaadsannin.

Related Articles